Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Agab caafimaad waxaa ay maanta gaarsiiyay mid ka mid ah maamul Gobaleed-yada dalka ka jira.
Waxaa magaalada Baydhaba gaaray diyaarad sidday Agab caafimaad oo loogu talagay ka hor tagga caabuqa Covid19, oo ahaa xanun dunida si weyn ugu sii faafaya kaas oo gudaha Soomaaliya laga diiwaan galiyay Boqolaal kiisas oo ah CoronaVirus.
Waxaa si gaar ah looga dajiyay Agabka xarunta karantiilka ee COVID-19 oo Maamulka Koonfur Galbeed uu ka hirgeliyay Magaalada Baydhabo.
Tira dhowr jeer ah ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay Qalab nuucaan u gaarsiisay qaar ka mid ah maamul Gobaled-yada dalka.

