Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Diyaaradaheeda wax duqeeya ay dileen sanadkii 2019-kii dad shacab ahaa.
Taliska Miltariga Maraykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa soo saaray warbixin saddex-bille ah oo loogu talagalay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymaha ay ciidmada Maraykanka fuliyeen ee lagula dagaalamayo argagixisada.
Warbixintan ayey AFRICOM ku qiratay in weerar Soomaaliya ka dhacay 23-kii February 2019 lagu dilay laba qof oo rayid ah, islamarkaana lagu dhaawacay saddex kale, taasi oo ay sheegeen inay aad uga xun yihiin.
Warbixinta AFRICOM ayaa meesha looga saaray illaa 20 sheegasho oo ku saabsan weerwro dad rayid ah lagu dilay oo markii la baaray lagu ogaaday in aysan xilliyadaas wax howlgalo laga fulin gudaha Soomaaliya.

