Dowladda Kenya oo Sheegtay in Dad Kaga Yimid Soomaaliya Laga Helay Covid19

0
Waving flag of Kenya and United Arab Emirates

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in caabuqa Covid19 laga helay dad ay sheegeen in ay kaga yimaadeen gudaha waddanka Soomaliya.

Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Caafimaadka Kenya Rashiid Amaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay Diiwaan-gelisay 12 ruux oo qaba Cudurka COVID-19, kuwaasi oo baaritaano kala duwan, kadibna laga helay.

8-ruux oo ka mid ah dadka la karantiilay ee caabuqa laga helay waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya, halka  4-ruuxna ay joogaan magaalada Mombaasa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here