
Ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay maanta sameeyeen howlgallo lagu soo qabtay qaad fara badan oo si dhuumaamlaysi ah lagu soo galiyay degaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.
Khaadka ay qabteen Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu dhammaa 200 oo kilo, waxaana ay sheegeen in qaadka la doonayay in qarsoodi ah looga iibiyo dadka shacab ah ee Isticmaala, hayeeshee arrintaas laga hortegay.
Goob fagaare ah ayaa lagu gubay khaadka, waxaana laama ammaanku ay shegeen in ay sii wadi doonaan howlgaladda ay kula dagaalamayaan waxyaabaha laga mam-nuucay deegaanadooda.
Guddiga ka hortega faafida Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa bixiyay amarka lagu gubay qaad gacanta lagu dhigay, iyagoo sheegay in qaadka uu kamid ah waxyaabaha lagu kala qaado Cudurka.
