Ra’iisul Wasaare oo Shir Guddoomiyay Guddiga Qaran ee kahor tagga COVID19

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa shir la qaatay guddiga ka hortagga caabuqa Covid19, waxaana shirkaas lagag hadlay arrimo badan oo la xariira sidii looga hortagi lahaa caabuqa CoronaVirus faafitaankiisa.

Waxaa uu si gaar ah amar u dul dhigay wasaradda caafimaadka xukuumadda federalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay wasaaradda in ay laba-laabto dadaalka lagu yaraynayo in baahidda Covid19 ee gudaha dalka.

Ra’isul Wasaaraha ayaa Wasaaradda caafimaadka amaray in ay la timaaddo qorshe cad oo ay kula tacaalayso xanuunka, iyadoo uu ugu baaqay in la baaro dhammaan dadka, maaddaama qalabkii loogu talagay in lagu baaro uu yaallo.

Dowladda ayaa dhawaanahaan wadda dadaalo lagu xoojinayo sidii loo yareeyn lahaa saameeynta Covid19, waxaana wasaaraddu ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagaga hortagayo Covid19.a

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here