Wararka ka imaanaya Gobalka Sanaag ayaa sheegay in qof shacab ah lagu dilay inta u dhaxaysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsone oo ka wada tirsan Gobalka Sanaag.
Koox hubeysan ayaa waddada u galay marxuumka dhintay, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ay dileen Ninka oo watay Gaari nooca Land Cruiser, kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir,isla markaana gaarigii ay ka qaateen.
Kooxdii falka gaysatay ayaa isaga baxsaday goobtii ay falka ka fuliyeen, waxaana wararku ay sheegayaan in dilkani uu salka ku hayo aanooyin qabiil.
Maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin dilkaasi ka dhacay qaybo ah mid ah Gobalka Sanaag, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu si gaar ah uga dhacay falka dhanka ay Puntalnd ay maamusho Gobalka Sanaag.

