Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Booliska Degmada Boondheere.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Boondheere loogu magacaabay inuu noqdo Cabdi Shiikh Ciise oo loo yaqaan (Cabdi Kumi), isagoo bedelaya Taliyihii hore ee Saldhigaas Najiib Carab.
Shalay ayaa xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii hore Booliska Degmada Boondheere, waxaana maanta wareegto lagu magacaabay taliye cusub.
Xilka qaadista Najiib carab ayaa la xariirtay dil dhawaan degmada loogu gaystay laba qof oo shacab ah, taas oo keentay in ay dad weyne aad u fara-badan ka caroodaan.

