Shabaab oo Sheegay In ay Qarax Ku Dileen Saraakiil Kenyan ah

0

Wararka ka imaanaya degaanka Dabaasiti ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Kenya Qarax lagula eegtay degaakaas.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya, kuwaasi oo howlgal miino baaris ah ka waday deegaanka Dabaasiti.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya gaar ahaan kuwa miino-baarayaal ahaa, iyadoo lasoo sheegayo in uu khasaare xooggan uu gaaray Ciidanka Kenya.

Dagalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerarka waxaana ay sheegeen ay iyagu ka danbeeyeen Qaraxaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee Al-shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ay ka danbeeyeen weerarkaas, waxaa sidoo kale shabaab ay sheegeen in khasaare gaar siiyeen ciidankii ay weerareen.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xalay fiidkii hore waxaa ay weerar xoogan ku qadaeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose una dhow Xuduudka Kenya.

Intaas kadib Al-shabaab iyo Ciidanka ku sugnaa Saldhiga deegaanka Kulbiyoow ayaa waxaa dhexmaray dagaal muddo kooban socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, welina lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here