Uganda oo War Kasoo Saartay Weerar Ka Dhacay Baraawe

0

Dowladda Uganda ayaa war kasoo saartay weerar lagu qaaday saldhig ciidamada Uganda ay kuleeyihiin  meel udhaw garoonka diyaaradaha degmada baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed Somalia.

Richard Karemire oo ah afhayeen uhadlay millatariga dowladda Uganda ayaa shaaca kaqaaday in ciidamada Uganda ay fashiliyeen iskuday Alshabaab ay kudoonayeen in ay weerar kuqaadaan saldhig ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda ay kuleeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha degmada baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed Somalia.

Richard Karemire oo ah afhayeen uhadlay millatariga dowladda Uganda ayaa hoosta kaxriiqay in ciidamada Uganda ay iskacaabiyeen gawaarida doonayay in ay gudaha usoo galaan fariisinka ciidamada Uganda ay kuleeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee degmada baraawe isagoona intaasi kudaray in wax qasaare ah aysan soo gaarin ciidamada Uganda waxa uuna intaasi kudaray in ciidamada Uganda ay gubeen Laba gawaari oo ay wateen dagaalayahannada Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here