Bannaan-bax Ka Socda Magaalada Muqdisho oo Dad Shacab ah ay Dhigayaan

0

Bannaan-bax ballaaran ayaa ka socda qaybo ka mid ah magaalada muqdisho, waxaana si gaar ah uu uga socdaa isgooyska Jubba.

Bannaanbaxa waxaa dhigay dad shacab ah oo ka  caraysan dil xalay magaalada muqdisho, gaar ahaan degmada.

Taliska Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Askarigii dilka gaystay, dad weynaha caraysan ayaa waddooyinka ku gubaya Taayero waxaana ay dalbanayaan in ay caddaalad helaan.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir.

Waxaa loo heysta dilka labadda ruux ee kala ah:

1-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere,

2-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here