Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil xalay ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, nin hubeysnaa ayaa dilay wiil dhaqtar ahaa oo Farmashiye ku lahaa Degmadda Dharkinley xiligii salaadda Maqrib.
Dhaqtarka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Yuusuf Jeylaani oo Dalka Suudan kasoo bartay Cilmiga Caafimaadka.
Xiliga dilka uu dhacay waxa uu usocday salaada maqrib waxaana uu xiray mid kamid ah Fidqooyiinka Albaabka Balse dilaaga ayaa ugu galay Gudaha Farmashiga kahor inta uusan xirin fidqada labaad waxaana uu dhuunta uga dhuftay Xabad.
Ruuxa dilka geystay oo Bastoolad ku hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday waxaana Goobta gaaray Ciidamo boolis ah saacad kadib dhacdada waxeyna xirxireen qaar kamid ah dhalinyaradii ka agdhowaa goobta uu dilka ka dhacay.

