Magaaladda muqdisho waxaa xalay ka dhaqan galay Bandow ay soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo bilaabmayay 15ka bishaan.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu daadiyay ciidamo fara-badan, si ay u dhaqangaliyaan xaaladda bandowga, waxayna dadka ku amrayeen in ay xiraan goobaha Ganaciga islamarkaana guryahooda aadaan.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay soo kormeeray Degmooyinka Gobolka Banaadir, sida uu uga dhaqangalay bandowgii ay dowladda ku soo rogtay.
Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir oo geba-gabadii kormeerka Warbaahinta u waramay ayaa tilmaamay in uu si wanaagsan u dhaqangalay bandowga.
“Waxaa guud ahaan Magaalada Muqdisho ka dhaqangalay bandowgii bilaabanayay 8:00 fiidnimo, kaas oo looga hortagayo faafidda cudurka Covid-19.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir.















