Qarax Khasaare Ka Dhashay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Degmada Hodan, gaar ahaan meel ku dhaw Isbitaalkik Digfeer.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa oo ahaa Miino dhulka la galiyay ayaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi bilaha oo halkaas marayayay.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo ka Tirsanaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxa,iyo wade Mooto Bajaaj oo halkaas marayay.

Qaraxa kadib Ciidankii kale ee saarnaa gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxa ay fureen rasaas fara badan, taasi oo aan la soo sheegin waxyeelo ka dhalatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here