Ismaaciil Maxamed C/wahaab ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee caabuqa CORONAVIRUS ugu geeriyooda dalka Ingiriiska, waxaa la sheegayaan in wiilkan da’da yar uu soo ritay caabuqa Covid-19.
Markii lagu arkay calaamadaha ayaa la dhigay isbitaalka Kings College kaddib markii ay la soo deristay dhibaato dhanka neefsashada, waxaana la geliyay xaalad degdeg ah, laguna xiray qalabka neefta ee Oksijiinka.
Wiilkan yar ayaa ahaa iskuul, oo aan qabin cuduro kale, balse markii u horeysay lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus, waxaana uu ugu danbeytii u geeriyooday xanuunkaas.
Dalka Ingiriiska ayaa ka mid noqday dalalka ugu dhimashada badan cudurka Covid19, waxaana shalay kaliya ku dhintay wax ka badan 381 qof oo uu xanuunku soo ritay.

