Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyay qaraxyo Shabaab ay kusoo xireen Xoolaha Lo’da loo yaqaano oo kamid ah duunyadda la dhaqdo.
Degaanka Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose oo dhawaan Ciidanka xooga dalka kala wareegeen Shabaab ayaa halkaas ku qabtay laba neef oo Lo’ ah oo Shabaab kusoo rareen waxyaabaha qarxa.
Saraakiil ka Tirsan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay in labadda Lo’ laga shakiyay,islamarkaana la ogaaday markii dambe in ay ku xiran yihiin waxyabaaha qarxa,waxaana lagu guuleystay in laga furo.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Al-shaabab ay bilaabeen in xoolaha ay u adeegsadaan waxyaabaha qarxa,kadib markii waddo kasta laga xiray.

