Maanta oo Talaado ah Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhageysan doona Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Ilaa labo Musharax ayaa u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaasi oo kala ah Amb. Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed C/raxmaan Nuur.
Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulka Koofur Soomaaliya waxaa iyana u taagan labo Musharax oo mid ka mid ay tahay Haweeney lagu magacaabo Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed.
Dhanka kale Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanaka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa u taagan hal Musharax oo ah Haweeney lagu magacaabo Shamso Maxamed Yarow.

