Maammulka Jubaland ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.
War kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa waxaa tacsi loogu diray guud ahaan Shacabka iyo Maamulka Puntaland geerida ku timid Allha u naxriistee Gudoomiyahii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Xasan Hirsi.
War qoraal ah oo kasoo baxay jubaland ayaa loogu tacsiyeeyay dhammaan intii ku wax yeelowday Qaraxaas, gaar ah tacsi loogu diray Ehelada, qaraabada iyo Asxaabtii ee uu ka baxaym Guddoomiye Cabdisalaam Xasan Hirsi oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay.
Waxaa ugu danbeyntii warka kasoo baxay Jubaland Caafimaad Deg deg ah u rajeysay inuu Alle siiyo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxaas oo uu kamid ahaa Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli iyo dad shacab ah.

