Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminaaya ayaa gaaray magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana socdaalkiisa ku weheliya qaar ka mid ah Saraakiisha Xeerilaalinta Ciidamada iyo xubno kale oo uu kamid yahay Senator Yuusuf Geelle Ugaas.
Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada dhuusamareeb wafdigan, iyadoo dadka shacabka ah iyo maamulka degmada ay soo dhaweeyen.
U jeedka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida u tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Maxkmadda Ciidamada Qalabka sida ay qaadi doonto kiisas dhowr ah oo ka kala dhacey deegaanada Galmudug iyo Gobalada SIDA Hiiraan iyo Galgaduud.
Degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxaa horay uga dhacay kisas dil u badan oo dhawaanahaan isi-soo tarayay, waxaana la filayaa in maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay qaaddo kiisaskaas.

