Iska Hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo dhac geysanayay ayaa goordhaweyd ka dhacay Gudaha Suuqa bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa looyaqaano.
Sida ay inoo xqiijiyeen goobjoogayaal dhalinyaro Laba gaareysay oo dhac geysanayay ayaa waxa ay israsaaseeyn ay dhexmartay ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee howlgaladda ka sameeya Suuqa Bakaaraha.
Waxaa la sheegay In dhalinyaradda oo bastooladdo ku hubeysnaa ay dhac u geysanayeen dadka usoo adeeg doonto suuqa Bakaaraha.
Inta la xaqiijiyay waxaa israsaaseynta ku dhintay Labadii burcadda aheyd,Askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, iyo wiil xamaali ahaa oo goobta ak dhawaa.
Weli war rasmi ah kama aysan soo saarin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

