Muuse Biixi:-“Daynta Soomaaliya Laga Cafiyay Kuma Jirto Somaliland”

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Sababta ay Hay’adda lacagta Aduunka ugu reebtay Somaliland oo Maamulada Somaaliya qeybta ka ah Hanaanka Deyn cafinta Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland.

“Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.””, ayuu yiri muuse Biixi Cabdi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here