Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray Sharuudaha laga doonayo shaqsiyaadka u tartamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xiliga la qabanayo doorashadda Gudoonka.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ay dhici doontaa 1-da April oo ku beegan Arbacada soo socota.
Halkaan Hoose ka Akhriso shuruudaha iyo xiliga ay dhaceyso doorashada.
1-Musharixiinta waxay araajidooda ku hagaajinayaan guddi hoosaadka diiwaangelinta Musharixiiinta oo uu madax ka yahay Xildhibaan Jookar.
2-Musharaxa ka tirsan Golaha Wasiirada waa inuu soo gudbiyaa warqad caddeyneysa iscasilaadda marka uu isdiiwaangelinayo.
3-Lacagaha Diiwaangelinta waxaa lagu soo shubayaa Koontada Bangi ay dib ka soo sheegi doonaan Xubnaha Guddiga
4-Isdiiwaangelinta Musharixiinta waxay socon dooontaa 29-ka ilaa 30-ka oo ku kala beegan berri oo Axad ah iyo Isniinta.
5-Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxay dhici doontaa 1-da April oo ku beegan Arbacada soo socota.

