Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn Ka Dhacday Degaanka Buula Fuulaay ee Baay.

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaha wax duqeeya ay beegsadeen Saldhig Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay.

Qoraalka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa  degaanka Buula fuulaay ee Gobolkaasi Baay.

Qoraalka Afrikom ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana khasaare uusan gaarin dadka shacabka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here