Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ay kaga hortagayaan Cudurka CoroVirus-ka oo ah cudur dunida si weyn u Saameeyay.
Guddiga nabad-galyada Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhammaanba la xiri doono goobaha waxbarashada, sida Iskuulaadka iyo Jaamacadaha.
Waxaa ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan isku imaashaha dad weynaha ee isugu yimaada goobahala isugu yimaado sida: garoomada kubadda cagta, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta oo ay bulshadu ku kulmaan.
Guddigu waxaa ay bkaga gol-leeyihiin arrintaan sida ay sheegeen in ay kaga hortagaan sidii ay taxadar dheeraad ah uga muujin ;lahaayeen cudurka CaronaVirus-ka, waxaana intaas ay ku dareen in ay dhaqan galinayaan amaradiin kazoo baxay dhawaan wasaaradda waxbarashada maamulkaas.
Sidoo kale Guddiga nabad-galyada Gobolka Nugaal waxaa ay sheegeen in ay joojin doponaan khaadka lasoo galiyo gudaha degaanadooda,

