Wararka aynu ka helayno degaanka jannaale ee Gabalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggani uu ka dhacay meel duleedka ka ah degaanka Janaale.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo ay leeyihiin ciidanka dowladda Federalka Soomaaliya oo halkaasi marayay, waxaana la sheeyayn in khasaare xooggani uu soo gaaray ciidankii qaraxa la beegsaday.
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, iyagoo shegay in ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka dowladda, war lagu qoray baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa ay kun sheegteen masuuliyadda qaraxaasi, waxaa ay sheegeen in qaraxu uu haleelay gaari Booyad ah oo ka mid ahaa Kolonyada ay wateen ciidanka dowladda, shabaab waxaa ay intaa ku dareen in ay gubeen gaarigaasi booyadda ah uuna khasaare kazoo gaaray ciidanka dowladda.
Al-shabaab ayaa dhawaan lagala wareegay degaanka jannaale oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen, waxaana wali muuqata saameeynta ay ku leeyihiin degaanka jannaale iyo degaanada ka ag dhaw.

