Guddoomiyaha midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa ku jira xaalad Karantiil ah, waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska guddoomiyaha laga helay Cudurka CoronaVirus.
Moussa Faki Mahamat war uu kusoo qoray Twiter-kiisa ayuu ku caddeeyay in uu ku jira xaalad karantiil ah, “Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalahayga xafiiskeyga ee Komishanka Midowga Afrika laga helay COVID-19. Qofka shaqaalaha ah wuxuu ku jiraa xaalad deggan” ayuu yiri Mussa Faki” sidaas waxaa bartiisa Twiter-ka kusoo qoray Moussa Faki Mahamat.
Cudurka COVID-19 ayaa ah mid dunida si weyn ugu sii fidaya, Waxaa jira in ka badan 553,200 kiis oo adduunka oo dhan si weyn u saameeyay, waxaa sidoo kale in ka badan 27,000 ay u dhinteen xanuunka halka in kabadan 127,500 ay ka bogsadeen.

