Al-shabaab oo Sheegay in 7-askari oo AMISOM ahaa ku Dileen Muqdisho

0

Al-shabaab ayaa sheegay in 7-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku dileen qaraxyo ay kula beegsadeen wadada laamiga xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa koowaad  wuxuu haleelay gaari Booyad ah oo qeyb ka ahaa koloyada kaas oo gabi ahaanba burburay,halka Qaraxa labaad ayaa waxaa isna lagu burburiyay gaari Xamuul ah.

Warbaahinta Shabaab warar lagu baahiyay ayaa lagu sheegay in qaraxyadda ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha lagu dilay 7-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda AMISOM Gaar ahaan kuwa Uganda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM oo looga hadlayao qaraxyadda ciidankooda lagula eegtay degmada Heliwaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here