Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in Galmudug ay ka dagi la’dahay Saamileyda Siyaasadeed ee ku Sugan Magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne Xaaf oo xariga ka jarayay isbitaal laga hirgaliyay deegaanka Docole ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in wali uu yahay madaxweynaha Maamulka Galmudug,uusan aqoonsaneen maamulka laga dhisay Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dad ka shaqeynaya burburka Galmudug,islamarkaana hadii sida ay wax ku socdaan haatan lagu fiirsado ay xaalada sidaan sii ahaan doonin.
Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa meesha ka saaraya hadal shalay kasoo yeeray Xildhibaan ka tirsan Baaramaanka Galmudug oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil oo sheegay in Madaxweynaha uu ka tanasulay maamulkii uu ka dhisay Gaalkacyo.

