Maamulka Magaaladda Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dhibaatooyin ay Alshabaab ku hayaan dadka shacabka ee ku nool tuulooyin ka tirsan Gobalka shabeelaha Hoose islamarkaana hoosyimaada Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shacabka ku dhaqan tuulooyinka ku dhow Magaalada Marka ayaa ka cabanayo in Al-shabaaab ay dhaceen xoolihii islamarkaana ay dhibaatooyin badan ugeystaan sida uu inoo xaqiijiyey mid ka midka mas’ uuliyinta Magala Marka ee Gobolkaaasi.
Maxamed cismaan Yariisoow oo ka tirsan maamulka magaalada marka ee gobolka shabeelaha hoose oo la hadley idaacadda simba ee magaaalada muqdisho ayaa sheegay in dad deegaanka oo uu isagu kujiro ay alshabaab ka dhaceen xoolihii waxa uuna ka dalbanayo dowlada soomaaliya in ay dadajiso howlgalada ayka sameynayaan deegaanada gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan tuulooyinka ku dhadhow magaalada marka ee goboka Sh/hoose .
Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda oo dhawaan la wareegay deegano ka tirsan gobolka Shabeelaha beelaha hoose ay dadka shacab ah kalsooni weyn ku qabaan isla markaana,waxa uuna xusay in ciidanka hada joogo ay kuwii hore ka duwan yihiin islamarkaana aysan wax dhibato ah ugeysan dadka shacabka.
Inta badan xoolo dhaqatada ku nool deegaano iyo tuulooyinka ay al shabaab ka maamulaan Gobalka shabeelaha Hoose, ayaa ka cabto in Al-shabaab ay ka xeystaan xoolaha.

