Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Raisul wasaarihii Hore Nuur Cadde

0

Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay Caabuqa-carona Virus,islamarkaana la dhigay mid kamid ah isbitaladda Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Xalay waxaa soo baxay warar sheegayay in Nuur cadde uu geeriyooday,balse qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in wararkaas ay been abuur yihiin.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa xaqiijiyay in aabihii xaaladiisa ay wanaagsan tahay, balse Isbitaal uu ku jiro, oo lagula tacaalayo xaaladiisa,islamarkaana 8 maalin ka hor lagu arkay caabuqa coronavirus isagoo xusay in sababta Isbitaalka loo geeyay ay tahay, iyada uu qabo xanuuno ay ka mid yihiin Sokorta.

Dhanka kale Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo taleefanka kula xiriiray qoyska Ra’iisul Wasaarihii hore, isagoo Alle uga rajeeyay inuu caafimaad degdeg ah uu siiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here