Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaaladda Muqdisho ku dilay Darawal Mooto bajaaj.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Mooto bajaajlaha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Xuseen Jeelle Wehliye,wuxuu sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Guddi ay ku mideysan yihiin Wadayaasha Bajaajka Magaalada muqdisho.
Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay murmeen ayaa toogtay,wuxuuna ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.
Dhanka kale banaanax ay dhigayeen wadayaasha Mooto bajaajka ayaa ka dhacay isla Magaaladda muqdisho.


