Khubarada kafaallooda arrimaha amaanka dalka mareykanka ayaa shaaca kaqaaday in ay jirto cabsi laga qabo in Alshabaab ay weeraro labartilmaameedsadaan muwaadiniinta udhashay dalka mareykanka kuwaasi oo kusugan qeybo badan oo kamid ah dalalka caalamka.
Saraakiisha millatariga mareykanka ayaa warbaahinta dalka mareykanka usheegay in sababta dowladda mareykanka ay ukordhisay duqeymaha ay kafulineyso gudaha dalka Somalia ay tahay cabsi laga qabo in Alshabaab ay iskudayayaan in ay helaan gantaallada lidka diyaaradaha taasi oo khatar ku ah diyaaradaha dagaalka dowladda mareykanka kuwaasi oo duqeymo kafuliya qeybo kamid ah dalka Somalia.
Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada mareykanka ee kahowlgala qaaradda Africa ayaa shaaca kaqaaday in Alshabaab ay khatar kuyihiin danaha mareykanka iyo sidoo kale amaanka guud ahaan dalka marekanka.

