Daowladda Federalka Soomaaliya ayaa manta waxaa ay gacanta ku dhigtay khaad si sharci darro ah looga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee muqdisho.
Waxaa goob fagaare ah manta lagu gubay khaad la sheegay in muqdisho si sharci darro ah uga soo dagay muqdisho.
Waxaa goob jog ka ahaa halka khaadka lagu gubayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo madax kale.
Waxaa dowladda Soomaaliya ay ay horay ugu dhawaaqday in aan wax khaad ah dalka laga soodajin Karin, iyadoo ciddii ka hortimaadana amarka dowladda tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

