Al-shabaab oo lasheegay in ay doonayaan in ay Beegsadaan Muwaadiniinta U dhashay Maraykanka

0
Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab

Khubarada kafaallooda arrimaha amaanka dalka mareykanka ayaa shaaca kaqaaday in ay jirto cabsi laga qabo in Alshabaab ay weeraro labartilmaameedsadaan muwaadiniinta udhashay dalka mareykanka kuwaasi  oo kusugan qeybo badan oo kamid ah dalalka caalamka.

Saraakiisha millatariga  mareykanka ayaa warbaahinta dalka mareykanka usheegay in sababta dowladda mareykanka ay ukordhisay duqeymaha ay kafulineyso gudaha dalka Somalia ay tahay cabsi laga qabo in Alshabaab ay iskudayayaan in ay helaan gantaallada lidka diyaaradaha taasi oo khatar ku ah diyaaradaha dagaalka  dowladda mareykanka  kuwaasi oo duqeymo kafuliya qeybo kamid ah dalka Somalia.

Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada mareykanka ee kahowlgala qaaradda Africa ayaa shaaca kaqaaday in Alshabaab ay khatar kuyihiin danaha mareykanka iyo sidoo kale amaanka guud ahaan dalka marekanka.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here