Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( farmaajo) madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa baajiyay kulan uu madaxtooyada Soomaaliya kula yeelan lahaa Wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.
Kulankaan oo la doonayay in looga hadlo arrimo dhowr ah ayaa la sheegay in uu Farmaajo Baajiyay.
Waxaa la sheegay in kulanka si gaar ah loogu faaqidi lahaa arrimaha doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan, xiisadda ka taagan Gobolka Gedo ee uu dhaxaysa Dowladda iyo maamulka Jubaland, khilaafka Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dhammaantood sidii is faham looga gaari lahaa.
Waxaa lagu waday in kulan kaan ay ka qayb gali lahaayeen Safiirada dalalka Midowga Yurub, UK, Wakiilka Qaramada Midoobey iyo wakiilo kale

