Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegayaa in ay kaabiga ku hayaan degmada Jannaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Afhayeenka ciidanka dowladda Gobalka Shabeelaha Hoose oo Idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in ay u muuqato magaalada Jannaale, waxaa intaas uu kusii daray in ay saacadaha soo aaddan gaari doonaan janaale.
Dhanka kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidan ayaa la sheegay inay labo jiho ugu dhaq dhaqaaqeen Janaale, inkastoo aan weli la soo sheegin wax iska hor imaad ah, hadana saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in si taxadar ku jiro u socdo howlgalka ay wadaan.
Jannaale ayaa ahayd meel Al-shabaab ay in muddo ah ka talinayeen, waxaana wararku ay sheegayaan in shabaab ay banneeyeen degmadaas weaxaana ku wajahan ciidanka xoogga dalka.

