Dowladda Soomaaliya oo Joojin Doonta Duulimaadyada Kenya iyo Ethopia

0

Dowladda fedralka Somaaliyaa ayaa sheegtay in ay ka fikirayso qorshe lagu joojinayo duulimaadyada ka imaanaya waddamada Kenya iyo Ethopia oo laga helay Kiisas hiorleh oo la xariira caabuqa dunida gil-gilay ee CoronaVirus.

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay uga hortagayaan cudurka Coronvirus, waxaana uu sheegay in ay kaga golleeyihiin tallaabooyin kaan in ay kaga hortagaan in cudurku uu soo gaaro Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay maareeyuhu in ay yeelanayaan kulamo ay kaga arrinsanayaan sidii loo joojin lahaa duulimaad-yadaas.

Dowladda ayaa horay ugu dhawaaqday in aysan dalka soo gali karin dadka ka imaanaya ddalalka Shiinaha,Talyaanig, Korea iyo Iraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here