Dowladda Soomaaliya ayaa Puntland ka dalbatay in aysan raja-xumo ku abuurin dadka soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo khudbad ka jeedinayay shirka Wadatashiga Puntland ee ka socda Magaaladda garoowe ayaa mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadallada xanafta leh ee mar kasta wax u dhimaya wadajirka iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wasiirka ayaa Madaxda Puntland ka codsaday in ay joojiyaan dhaliilaha iyo raja-xumada ay mar kasta muujiyaan hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya,
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ay diyaar u tahay in la xaliyo tabashooyinka Puntland.

