Madaxweynaha Puntland oo Eedeen u Jeediyay Madaxda Dowladda Dhexe

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa eedeemo culus u jeediyay Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Saciid C/laahi Deni oo hadalo kulul ka jeediyay Shir weynaha Wada-tashiga Puntland ee Magaaladda Garoowe ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Dhexe ay burburin ku hayaan Nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka,Burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah waa mid Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka” ayuu sii raaciyay.” ayuu yiri madaxweyne Deni.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here