Al-shabaab oo 10-sano Kadib Isaga Baxay Degmo ay Maamulayeen

0

Al-shabaab ayaa isaga baxay Degmadda Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo ay xukumayeen muddo 10-sano ah.

Saraakiil ka Tirsan ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadda Al-shabaab ay xalay ka baxeyn Degmadda Janaale.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin Deegaano u dhow Degmadda Janaale,islamarkaana qorshahooda uu yahay sidii degmadda Janaale.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo looga hadlaayo sababta ay ugu baxeyn Degmadda Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here