Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Jannaale ee katirsan Shabeelaha Hoose.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacada Simba ee Magaaladda muqdisho u sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay laba Gantaal ku dhufteen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay qofka kamidka ah dadka deegaanka, in duqeynta ay ku dhinteen 4-ruux oo la socotay gaariga Caasiga ahaa.
Taliska mareykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa shaaca ka qaaday in ay markale duqeyn ka fuliyeen qeybo kamid ah koonfurta Somalia gaar ahaan gobalka shabeellaha hoose.
Taliska mareykanka ee Africom ayaa hoosta kaxariiqay in iyaga iyo dowladda federaalka Somalia ay siwadajir ah ufuliyeen duqeyn kadhacday qeybo kamid ah degmada jannaale ee gobalka shabeellaha hoose 10kii bishan oo aheyd maalinamdii shalayto aheyd.

