Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay dileen Madaxii Amniyadka Al-shabaab Ee Gobolka Banaadir,kaasi oo dhawaan iscasilay.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA oo lagu baahiyay bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in amar kasoo baxay Hogaamiyaha Al-shabaab lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Hogaamiye Axmed Diiriye.
“Madaxii Amniyadka Al-shabaab Ee Gobolka Banaadir,kaasi oo lagu magacaabi jirey Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Hogaamiyaha Shabaab Axmed Diiriye”,ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

