Deg-Deg: Dab xooggan oo Muqdisho Ka Kacay

0

Dab xooggan ayaa ka kacay kasoo horjeedka Isbitaal Banaadir, goob joogayaal ku sugan halka uu dabku ka kacay ayaa inoo sheegay in dabku uu wali socdo, ayna socdaan dadaallo lagu daminayo dabkaas kacay.

Dabka ayaa qabsaday sida la sheegay goob ganacsi oo ku taalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, waxaana goobta dabku uu qabsaday ay ahayd goob shidaalka lagu ibiyo sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku waxyeeloobay kaas oo isbitaalka loola cararay, waxaana jira qasaare hantiyadeed oo soo gaaray gobtii uu dabku ka kacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here