Muwaadiniinta udhashay dalka Kenya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay dib uga fakirto joogitaanka ciidamada Kenya ay kusuganyihiin Somalia islamarkaana waxa ay ugu baaqeen dowladda Kenya in ay ciidamadeeda ay kasoo saarto dalka Somalia.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaca kaqaaday in culimada muslimiinta Kenya ay soo jeediyeen in dowladda Kenya ay dib u eegto hanaankeeda difaac islamarkaana ciidamada difaaca dowladda Kenya ay kasoo saarto Somalia.
Gudoomiyaha golaha latalinta qaranka muslimiinta dalka Kenya ninka lagu magacaabo Sheikh JUma Ngao oo lahadlay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay xushmeyso dowladda Somalia una ogalaato in dowladda Somalia ay arrimaheeda xal kagaarto waxa uuna ugu baaqay dowladda Kenya in ciidamadeeda ay kala soo baxdo dalka Somalia islamarlkaana ay dib ugu soo celiso dalkooda.
Gudoomiyaha golaha latalinta qaranka muslimiinta dalka Kenya Sheikh Juma Ngao oo lahadlayay wargeyska Daily Nation ayaa yiri “xiisadda dhawaan kataagneed xadka waddamada Kenya iyo Somalia waxa ay saameeyn kuyeelatay walaalaheenna kunool gobalka waqooyi bari Kenya,dowladdu waa in ay difaacdaa dadkeeda maahan in ay khatar galiso amniga dadkeeda,haddii ay kawalwalayaan weerarada iyo khatarta Alshabaab waa in ciidamadeeda millatariga ay keentaa xadkeenna maahan in ay ciidamadeenna ay utallaabaan xadka waddamada dariska ah”.
Hadalkan kasoo baxay hogaanka golaha latalinta qaranka muslimiinta dalka Kenya ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya uu qoray in wasaaradda difaaca dowladda Kenya ay qorsheyneyso in ciidamadeeda kusugan Somalia gabi,ahaanba laga soo saaro Somalia lana soo afjaro 8 sano oo ciidamada Kenya ay qeyb ka ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia.

