Midowga Afrca ayaa war kasoo saaray xiisadda udhaxeysa waddamada Kenya iyo somalia taasi oo muddooyinkii lasoo dhaafay udhaxeysay labada dal oo midba midka kale uu ku eedeeynayay in uu faragalinayo arrimaha gudaha labada dal.
Gudoomiyaha gudiga midowga Africa ninka lagu magacaabo Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in ururka midowga Africa ay walaac kamujinayaaan xiisadda udhaxeysa waddamada Kenya iyo somalia oo mudooyinkaan taagneed.
Gudoomiyaha Gudiga midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhamaan daneeyayaasha arrintan in ay xadidaan xiisadda islamarkaana ay dhiiragaliyaan in wadahadal lagu dhameeyo kaladuwanaashaha iyo khilaafka labada dal.
Midowga Africa ayaa shaaca kaqaaday in iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay sii wadi doonaan in ay sidhaw ulasocdaan xaaladda labada dal.
Gudoomiyaha gudiga midowga Africa ninka lagu magacaabo Moussa Faki Mahamet ayaa hoosta kaxarriiqay in midowga Africa ay diyaar uyihiin in ay taageeraan labada dal si ay uyeeshaan wadahadallo wax ku ool ah si loo dhiiragaliyo nabadda,xasiloonida iyo dariswanaaga iyada oo lafulinayo mabaadii,daiyo xeerarka nabadda midowga Africa.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa taagneed xiisad udhaxeysa waddamada Kenya iyo somalia waxaana jirtay in dhawaan ay qadka taleefanka kuwadahadleen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka somalia maxamed cabdullahi farmaajo in dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyadoo xukuumadda somalia ay warsaxaafadeed kasoo saartay wadahadallada ay yeesheen labada madaxweyne warsaxaafadeedkaasi oo u muuqday mid Isfahan laga gaaray xiisadda udhaxeysa waddamada somalia iyo kenya

