Maamul Gobaleedka Puntland ayaa loogu baaqay in ay joojiyaan fara galinta ay ku hayaan maamulka Galmudug, waxaaloogu baaqay Puntland in aysan hubeyn xubnaha ka tirsan Ahlu Sunna ee ku sugan Garoowe kuwaas oo la sheegayo in ay isku Uruursanayaan Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal.
Cali Xaaji Warsame Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayaa uga digay Puntland in kiciso qalalaase siyaasadeed oo ka dhex qarxa maamulad Puntland iyo Galmudug, waxaa uu sheegay wasiirkii hore ee waxbarshada Maamulka Puntland in ay cawaaqib xumo ka dhalan karto haddii ay Puntland ku kacdo falal qal-qal galin kara nabad galyada Galmudug.
Qaraal uu soo dhigay bartiisa Twiter-ka Waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay wada shaqayn wadajir ah iyo iskaashi dhan walba ah oo u dhexeeya labada maamul, sidoo kale Puntland ayuu ugu baaqay in ay si gaar ah wax ula qabato maamulka Galmudug.
Arrintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madax ka tirsan Ahlu Sunna ay ku shirsan yihiin Garoowe, taas oo laga yaabo in ay dib usoo rogaal celiyaan maamulkii la wiiqay ee Ahlu Sunna.


