Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay mas’uul ka tahay dad Al-shabaab ay ku dileen Degmadda Baardheere Ee Goboka Gedo.
Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka Maamulka Jubbaland oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya amnidaro ay ka abuurtay Gobolka Gedo.
Waxa uu sheegay in Amnidaradaas ay keentay in Al-shabaab ay dad shacab ah ay dil iyo gowracay isugu dareen dad shacab ah oo ku noolaa Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo,kadib markii ay kala soo baxeyn guryahooda xili habeen ah.
Nabadoonka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horaan kaga digeen in amnidaro laga abuuro Gobolka Gedo,balse baaqooda ay la dhageysanin.
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan geysay Gobolka Gedo ee Dowladd Goboleedka Jubbaland,waxayna dagaal dhawaan la galeyn ciidamo uu hogaaminayo Wasiir C/rashiid Janan oo Balad-xaawo ku sugnaa.

