Al-shabaab oo Weerar Xoogan Ku Qaaday Ciidamadda Ku Sugan Ceel-Saliini

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Deegaanka Ceel-saliini ee Duleedka Magaalada marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhiga Ceel-saliini waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labada dhinac.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al-shabaab,islamarkaana dhowr dagaalyahano looga dilay dagaalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Ceel-saliini ee Duleedka magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa bishii aynu soo dhaafnay weerar xoogan ku qaaday Saldhiga Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Duleedka Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here