Wafdi Ka Socda Dowladda Dhexe oo Dhuusamareeb Gaaray

0

Wafdi ka socda dowladda dhexe ee  Soomaaliya ayaa gaaray maanta magaalada dhuusamreeb ee xarunta maamulk Galmudug.

Wafdigaan uu hoggaaminayo wasiirka dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, waxaana socdaalka ku wehliya qaarka mida ah  Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigani ay  kulamo iyo shirar la qaadan donaan wax garadka iyo xubno mid ah maamulka Galmudug, iyadoo ay la filayo in ay billaabaan Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka.

Waxaana wararku ay sheegayaan in ay kulamadani socon-doonaan muddo Todobo maalmood ah, iyodoo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ay ka qayb gali doonaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here