Afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya ahna gudoonka baarlamaanka dalka Kenya ayaa shaaca kaqaaday in aan laciqaabi doonin xillibaanada baarlamaanka dalka Kenya ee dhawaan booqashada kuyimid magaalada muqdisho.
Afhayeenka baaralamaanka dalka Kenya ninka lagu magacaabo Justin Muturi ayaa hoosta kaxariiqay in 11ki xillibaan ee dhawaan booqashada kutagay magaalada muqdisho aysan jirin wax sharci ah oo dhigaya in laciqaabo waxuuna intaasi kudaray in loobaahnaa xillibaanada in ay fasax kaqaataan gudoonka baarlamaanka dalka Kenya maadaama uu sheegay in qodobka 260 aad ee dastuurka dalka Kenya uu dhigayo in xillibaanada kabaxaya dalka ay kuwargaliyaan socdaalkooda gudoonka baarlamaanka.
Gudoonka baarlamaanka dalka Kenya ninka lagu magacaabo Justin Muturi oo lahadlayay xillibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa yiri “majirto wax ciqaab oo lamarin doono xubnaha baarlamaanka Kenya ee kufashilmay in ay soo wargaliyaan gudoonka baarlamaanka inkastoo ay jabiyeen qodobka 6aad ee dastuurka dalka Kenya”.
Dhawaan ayay aheyd markii xillibaano katirsan baarlamaanka dalka Kenya lasheegay in ay socdaal qarsoodiya kutageen magaalada muqdisho kuwaasi oo lakulmay saraakiil katirsan sirdoonka somalia sida ay qoreen warbaahinada kala duwan ee gudaha iyo dibadda.

