Dowladda mareykanka ayaa war kasoo saartay dagaalkii maalinamaddii shalayto aheyd ka dhacay degmadda balad-xaawo ee gobalka Gedo dagaalkaasi oo udhaxeeyay cidamo katirsan dowladda somalia iyo sidoo kale kuwo taabacsan maamulka Jubbaland.
Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda mareykanka ee somalia ayaa loogu baaqay dhinacyada kudagaallamaya degmada balad-xaawo in ay joojiyaan gulufka colaadeed ee kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah gobalka Gedo.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Ergeyga gaarka ah ee mareykanka u qaabilsan somalia Ambassador Yamamoto ayaa waxaa lagu yiri
“Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada dagaallamaya in ay raadiyaan xal siyaasadeed oo nabad keeni kara si looga fogaado khilaaf sababi kara dagaal kadhaca balad-xaawo,dhamaan hogaamiyaasha waxaa looga baahanyahay in sameeyaan dulqaad islamarkaana ay yareeyaan xiisadda taagan”.

